Waa sidee xaaladda dalka Itoobiya?

HomeWararka

Waa sidee xaaladda dalka Itoobiya?

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa difaacay howlgalka miliateri ay dowladdiisa ku qaadeyso gobolka Tigray isla markaana meesha ka saaray dign

Khilaaf Madaxda iyo Khatarta amni ee mar labaad (MAQAAL)
Warka Fiidnimo iyo Xuseen Madar, Daljir,Garoowe (dhegayso)
Taliye Ku-xigeenkii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya oo Iscasiley

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa difaacay howlgalka miliateri ay dowladdiisa ku qaadeyso gobolka Tigray isla markaana meesha ka saaray digniinada ah in tallaabadaas ay dalka u horseedi doonto dagaallo sokeeye.

Abiy wuxuu walaaca ah in Itoobiya ay ka dhici karaan dagaallo sokeeye ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.

Elizabeth warren oo ka tirsan aqalka senetka Mareykanka ayaa ku baaqday in dagaalka la joojiyo si gargaarka banii’aadinimo ay u helaan shacabka Tigray, kaddib markii ay qoraal soo dhigtay Twitter-ka.

Waxay soo jeedisay in wahadal lagu soo afjaro dagaalka.

Qaramada Midoobey waxay ka digtay in dagaallada ka socda gobolka Tigray in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: