Trump oo xilka ka qaaday Xoghayihii Gaashaandhigga Mareykanka

HomeWararka

Trump oo xilka ka qaaday Xoghayihii Gaashaandhigga Mareykanka

Madaxweynaha xilka ka dagaya Donald Trump ayaa shaqada ka eryay Xoghayihii Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka

ARAGTIDA SHACABKA BOOSAASO&WARIYAHEENA AFKA MAY MAAYGA (DAAWO)
Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo qaabilay wafdi ka socda Jabuuti
Taliyihii Booliska ee Degmada Shibis oo ku Biiray Mucaaradka (daawo)

Madaxweynaha xilka ka dagaya Donald Trump ayaa shaqada ka eryay Xoghayihii Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay.

Trump ayaa sheegay in Sarkaalkaas xilka uu ka qaaday, isagoo u magacaabay Chistopher Miller oo xilkaas la wareegi doona.

Christopher Miller ayaa ahaa Madaxa Xarunta Qaran ee la dagaalanka Argagixisada.

Xil ka qaadisra Mr Esper ayaa ka dambeysay, kaddib markii isaga iyo Trump uu todobaadyadii u dambeeyay soo kala dhex galay khilaaf, waxaana ay isku qabteen awoodda Aqalka Cad ee Milateriga u adeegsaday inay ku caburiyaan dibad baxyadii ka dhacay Mareykanka ee looga soo horjeeday cadaalada darada midibka ku saleysan.

Trump ayaa illaa iyo hadda ogolaan in doorashada uu kaga adkaaday Madaxweynaha la doortay Joe Biden, waxaana uu ku hanjabay inuu Maxkamad geyn doono natiijada la shaaciyay oo uu ku adkeysanayo in la musuq maasuqay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: