Qisaastii kufsadayaasha Caa’isha Ilyaas waa imtaxaan ay Puntland ka gudubtey waa se xujo dul hoganeysa Villa Somalia

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Qisaastii kufsadayaasha Caa’isha Ilyaas waa imtaxaan ay Puntland ka gudubtey waa se xujo dul hoganeysa Villa Somalia

Maanta oo ah 11-ka bisha labaad ee sannadka 2020 waa maalin si weyn ugu suntan taariikhda caddaaladaa Puntland. Waa maalin la qaaday tallaabo weyn, lo

MADAXWEYNE DENI MIYUU KA HORDEGAY KHATAR DARAN OO MUCAARADKU DAMACSANAA?
UGAAS MUSTAFE: “CANFAR NAMA RARAYSEE CIIDANKA MILATARIGA ITOOBIYA AYAA BARAKACA KA DAMBEEYA”
Sahra Noor: Daryeelka hooyada, dhallaanka iyo caafimaadka guud (dhegayso)

Maanta oo ah 11-ka bisha labaad ee sannadka 2020 waa maalin si weyn ugu suntan taariikhda caddaaladaa Puntland. Waa maalin la qaaday tallaabo weyn, loona qaaday dhanka caddaaladda Puntland iyo tan Soomaaliya. Waa maalin ay ku farxeen inta dulmiga, eexda, caddaalad-daradda, gabbood-falada iyo falalka gurracan oo dhan ka damqada.

Waa maalintii Caa’isha Iliyaas Aadan oo ahayd gabadh yar oo 12 jir ah, dhiganayseyna iskuulka Hoose-Dhexe, ay caddaalad heshay.

Talaabada Dowladda Puntland ay maanta qaaday ee lagu qisaasay dambiilayaashii lagu xaqiijiyey kufsigii iyo dilkii arxan-darrada ahaa ee Caa’isha ay kula kaceen waxa ay tusaale ku dayasho mudan u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, siiba inteeda xaq-u-dirirka ah.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sannadkii hore ee 2019 oo haatan ay hal sano ka soo wareegtey ayaa maydka Caa’isha Ilyaas laga helay magaalada Gaalkacyo, ayada oo markaas habeen iyo maalin mootan, laguna haynin nolol iyo geeri toona.

Dhacdadaa ugubka ah, aadkana u foolxun ee lagula kacay, laguna dilay Caa’isha Ilyaas ayaa dhalisay hadal-hayn badan iyo in si weyn ay uga caroodaan shacabka iyo dowlada Puntland. Wixii xiligaas ka danbeeyeyna waxaa bilowday kacdoon dadweyne oo caddaalad doon ah iyo dadaal dowladeed oo lagu baadigaabayo danbiilayaashii dhagartan xanuunka badan maleegey.

Dadaal dheer oo ay sameeyeen laamaha ammaanka Puntland waxaa maxkamada la horkeenay 10 eedaysane oo laamaha amaanku meelo kala duwan ka soo qabteen. Baaris dheer oo raadraaca DNA wadata kaddib waxaaa falkaas ay Xeer Ilaalinta Puntland ku xaqiijisay in ay galeen saddex eedaysane.

Imtaxaankii Xukuumadda Puntland

Dhacdadan oo soo jiidatay indha bulshada Soomaaliyeed iyo tan caalamkaba waxay ahayd xujo iyo imtaxaan adag oo la hordhigay Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo markaas ahayd xukuumad xilka ku cusub.

Nasiibwanaag Dowladda Puntland gaar ahaan Madaxtooyadu marna gorgortan kama aysan gelin sidii Caa’isha Ilyaas ay caddaalad u heli lahayd. Garsoorka Puntland gaar ahaan Xeer Ilaalinta oo dacwad ooge ka ahayd xujadan marna uma aysan liicin cadaadis badan oo kaga imaanayey jihooyin kala daran.

Waa xaqiiq in Xukuumadda Puntland ee cusbayd ay cadaadis iyo handadaado badan kala kulantay isla jihooyinkaas kala daran, si aan loogu dhiiran fulinta xukunka Maxkamadaha Puntland.

Saas oo caddaalad-diidku ay jahooyin kala daran marba culays uga keenayeen, haddana caddaaladda Puntland oo garab ka helaysa Madaxweyne Deni marna uma aysan liicin hanjabaadaha caddaalad-diidka, waxa ayna horseed u noqdeen go’aankii maanta ee dalka oo dhan caddaalad u horseeday.

Xujada dul hoganeysa Villa Somalia

Bilowgii Xukuumada Madaxweyne Farmaajo taariikhdu markii ay ahayd 3 May 2017, waxaa xilli habeenimo ah iridda Villa Somalia lagu toogtay Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska DFS Cabbaas Cabdullaahi Shiikh Siraaji. Wasiirka waxaa toogtay ciidamo ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya.

Saddex sano kaddib Marxuum Wasiir Cabbaas Cabdullaahi Shiikh Siraaji weli caddaalad ma uu helin. Raggii dilay Wasiir Cabbaas weli xukun laguma fulin.

Waa xujo maanta oo dadkii Soomaaliyeed ay sii kala fogaanayaan dul hoganeysa Villa Somalia. Waa isla Villa Somaaliyadii halkudhig ka dhigatay “Sinnaan iyo Caddaalad.”

Qoyskii Wasiir Siraaji weli Villa Somalia caddaalad bay ka sugayaan.

Sidoo kale sannadkii 2018 magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dil aad looga naxay, lalana beegtay farsamayaqaan gaadiidka oo la oranjiray Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Axmed Dowlo haddaba maxaa loo dilay? Axmed wax kale looma dilin, loomana bartilmaameedsan, ee waxaa loo dilay “sidee buu wiilka Axmed Dowlo adeerka u yahay u jeclaan karaan” gabar ka soo jeedda qabaa’ilada Xamar ku xooggan?

Dilka Axmed Dawlo oo inta qoran ahaa kii ugu fooshaxumaa ee Xamar ka dhaca waxaa fuliyey lix qof oo inta ay Axmed dileen kaddibna maalin cad meydkiisa dab qabadsiiyey.

Qoyskii Axmed Dowlo weli Villa Somalia caddaalad bay ka sugayaan.

Soomaalina mid baa hortaal: Caddaaladdu Ma Puntland bay ka ag dhowdahay mise Villa Somalia?

Diiwaanka Daljir

Radio Daljir SOOMAALIYA

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: