UGAAS MUSTAFE: “CANFAR NAMA RARAYSEE CIIDANKA MILATARIGA ITOOBIYA AYAA BARAKACA KA DAMBEEYA”

Ugaas beesha Ciise, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, oo xaaladaha daran ee ka taagan deegaanka beesha ee galbeedka gobolka Siti sheegay in ay ogaadeen ayna xaqiijiyeen oo ay caddayn u heleen, “in Dowladda Itoobiya oo ay janeraaladeedu ugu horreeyan ay waddanka naga rarayaan. Dhulkii aan ka nimid waad ogtihiin, Cundhufo illaa Garbaciise. Maanta Casbuli ayaan joognaa, tii ayaana la leeyahay ha la dhaafiyo, oo ha laga raro.”

Ugaaska oo hadalkiisa sii wata, kana warramaya sida ay Itoobiya qayb uga tahay barakicinta beesha Ciise ayaa yidhi, “ciidanka Itoobiya qaybo kamid ah oo dharkii ciidamada laga dhigay ayaa Canfarta caawinaya. Masuliyiintii deegaanka oo dadkooda difaaci lahaa ayaa loo soo hanjabayaa. Waxaa la leeyahay ciidanka aad keenteen haddaad celin waydaan tallaabo ayaanu idin ka qaadi.”

Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo bulshada Soomaliyed farriin u diraya ayaa yidhi, “taas ayaa caddaynaysa in ciidanku [ciidanka Itoobiya] doonayo in dhulkan naga raro. Gobalkan un lagu koobnaan mahayo, marka laga farxasho gobalada kale ayaa ku xiga. Shacabka Deeganku waa inuu ogaado halka laga dilayo, waana inaan midawno, oo aan dibadbax ayaa ugu yare ku muujino. Maanta waa inaan is kaalmeysano.”

Barakicinta si ulakac ah loola beegsanayo dadka deegaanka gobolka Siti ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysanaya, waana markii ugu horraysay ee Ugaaska beeshu uu baaq habarwacasho u dirayo dadka Soomaaliyeed, asaga oo si buuxda uga warramay qorshe dahsoon oo abaabulan oo dawladda Itoobiya ay ku barakicinayso dadka deegaanka.

Diiwaanka wararka | Daljir Media


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com