Qaraxyo Lagu weeray Masjid ku yaala dalka Nigeria

Qaraxyo Lagu weeray Masjid ku yaala dalka Nigeria

Wararka ka imaanaya Waqooyi-Bari Nigeri ayaa sheegaya in labo qarax oo ay fuliyeen nafti haligayaal ay weerareen Masjid ku yaala magaalada Gwoza ee gobolka Borno.

Weerarka ayaa dhacay xili dadka ay tukanayeen salaadda subax.

Labo qof oo aad u da’ yar oo kala ahaa wiil iyo gabar, isla markaana lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegayaa in ay fulyeen weerarka.l

Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof oo ay ku jiraan labadii qof ee weerarka fuliyey, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com