Sheekh Shaakir “Annaga iyo Xaaf in aan is khilaafno dowladda ayaa ka shaqeysay.

Sheekh Shaakir “Annaga iyo Xaaf in aan is khilaafno dowladda ayaa ka shaqeysay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka shaqeysay inay is khilaafaan Ahlusuna iyo Madaxweyne Xaaf, si maamul keligeed ay rabto inay uga dhisto Galmudug.

Sheekh Shaakir  ayaa sheegay in dowladda ay dooneso inay Galmudug ka dhigto Xaafad ka tirsan Muqdisho.

“Dowladda waxay rabtaa annaga oo Ahlusuna ah inay nagala cararto Galmudug oo ay ka dhigto Xaafad ka mid ah Muqdisho, Xaaf iyo Anaga in aan is khilaafno dowladda ayaa ka shaqeysay”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

 

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada la soo xulay aysan madax banaaneyn oo la yiri xiriir lama yeelan kartiin Ahlusuna, isagoo xusay in Ahlusuna dadka ay xiriirka la laheyn ay yihiin Shabaab kaliya.

“Dadka aan xiriirka nala laheyn waa Shabaab, ka yeeli meyno mana laga aqbalayo cid xiriir la leh Shabaab ama Shabaab lagu tuhmayo inay deegaankan madax ka noqoto”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com