HomeUncategorized

Qaramada Midoobey oo ka digtey abaarta iyo macluusha Soomaaliya.

Hay’addaha Qaramada Midoobey ee UNICEF iyo WFP ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga digeyn in ay kasii darto abaarta ka jirta Soomaaliya hadii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Dagaalo sababay khasaaro ka kooban dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Jubada Hoose
Ra’iisul Wasaare Cumar,”Nabadda Galkacyo Waa In Wadajir Looga Shaqeeyaa”.
Jaaliyadda Puntland ee Ingriiska oo Hogaan Cusub Yeeshay

Hay’addaha Qaramada Midoobey ee UNICEF iyo WFP ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga digeyn in ay kasii darto abaarta ka jirta Soomaaliya hadii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Hay’adahaasi ayaa  sidoo kale sheegay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, islamarkaana ay la il daran yihiin cunto yari,  iyo Biyo la’aan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay muhiim tahay in si deg deg wax looga qabto abaaraha kajira Soomaaliya, waxaana ay dalbadeen Malaayiin dollar.

“Waxaa aad noo walwal gelinaaya  waa  cabsi xoog leh oo aan ka qabno in xaaladdu ay si degdeg ah u sii xumaato, tiro dadka gurmadka u baahan ay khatarta wajahayaan, in gurmad caafimaad iyo mid cunto ahba lala gaaro dadkaa dhibaateysan waxaana codsaneynaa in dalalka Caalamka ay wax ka qabtaan arintaasi ” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha Qaramada midoobey.

Hadalka kasoo baxay hay’adahaasi Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli Abaarta ka jirta Soomaaliya ay kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: