HomeUncategorized

Jaaliyadda Puntland ee Ingriiska oo Hogaan Cusub Yeeshay

Somalia, November 19, 2015 (Daljir) —Guddomiyaha Jaaliyadda Reer Puntland UK ee Cariga Ingiriiska oo loo doortay Eng Mohammoud Cabdi-risaaq Barre

DHEGEYSO-Taliyaha ciidanka badda Puntland oo kahadlay howlgalo doonyo lagu qabtay.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan.
Tortadii Ugu Dheerayd Uguna Cuslayd Adduunka oo Lagu Sameeyey Mexico (Sawirro)
Somalia, November 19, 2015 (Daljir) —Guddomiyaha Jaaliyadda Reer Puntland UK ee Cariga Ingiriiska oo loo doortay Eng Mohammoud Cabdi-risaaq Barre
 
Shirar maalmihii lasoo dhaafay uga socday Cariga ingiriiska ee UK London Jaaliyadda reer Puntland ayaa ku soo gabagabeeyey ugu dambeyntii in ay u doortaan Gudoomiyaha Jaaliyadda reer Puntland  Eng Mohammoud  Cabdi-risaaq Barre.
 
Waxaan halkaan jeclahay innaan aqristoow ku xuso Eng Mohammoud,  oo dhabtii ah shaqsi aan annigu u lee yahay aqoon fog, hadday tahay isbarashadeenii Soomaaliya,  tii ardaynimadii ee London iyo ilaa maantay oo uu noqday Gudoomiye Jaalliyad Ballaaran oo ka mida Jaalliyaddaha ugu waaweyn qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan  dalkan Britain.
 
Waxaan anniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan dhamaan qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London, aan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa saaxiibkay Eng Mohammoud, oo loo doortay gudoomiyaha mid kamida Jaalliyaddaha Soomaaliyeed ee UK,  gaar ahaan kuwa kasoo jeedaa maamul goboleedka Puntland.
 
Runtii waa xil culus oo ballaaran unna baahan aqoon , waayo arragnimo , masuuliyad iyo xilkasnimo dheeri ah , waxaanna aqoonta aan u lee yahay saaxiibkay Eng Mohammoud , oo ay qiimeynteedu ugu horayso shaqsiyad ahaan dhaqan kiisa qofeed , diinta , aadaabta qofnimo , wadaniyadiisa iyo heerka 5oomaali jacayl uu gaarsiisan yahay aan u rajeynayaa Jaalliyadda Puntland iyo tan 5oomaaliyeed-ba uu wax badan kusoo kordhin doono , koleey dadka yaqaan waa garan karaan ujeedka qormada inta aan aqoonta u lahayna waxaa waqtigu baridoonaa markay arkaan wax qabad kiisa.
 
Eng Mohommoud wuxuu ku dhashay xarunta Qaranka ee Muqdisho sannadkii 1972-kii gaar ahaan xaafadda Xamar Jajab , wuxuunna noloshiisa intii badnayd ku noolaa magaalada London halkaas oo wax barashada heerk sare ku qaatay Jaamacadda London asaga oo sameeyay kunna shaqeeyay maadada Architect engineer .
 
Waxaan ilaahay uga baryayaa innuu xilkaas loo idmaday u fududeeyo kanna dhigo mid wax badan ku soo kordhiya dhamaan Jaalliyaddaha Soomaaliyeed ee British,  waxaan hubaa innuu sidda uu awal dadku isugu midka u ahaa oo uu caawin jiray innuu sii labba jibaari doono insha allaah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: