HomeUncategorized

Qaar kamid ah go’aamadii madaxweynaha Maraykanka oo maxkamadi laashay.

New York, Jan 29 2017-Maxkamadda magaalada New York ayaa taageertay dood sharciyadeed ee ay gudbiyeen dadka ka soo horjeeda xannibaadda sida ku meelgaar ka ah uu Trump u saaray qaar ka mid ah muslimiinta ka safraya todobo dal oo Muslimiinta ku badan yihiin.

Dhagayso:Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Canbaareeyay dowladda Soomaaliya
Gacan ku dhiiglihii dilay Gudoomiye Maryacade oo maanta Baledweyn lagu toogtay (Dhegeyso)
Dibadbax lagu xusayey bixitaankii Al-shabaab oo maanta Muqdisho ka dhacay.

New York, Jan 29 2017-Maxkamadda magaalada New York ayaa taageertay dood sharciyadeed ee ay gudbiyeen dadka ka soo horjeeda xannibaadda sida ku meelgaar ka ah uu Trump u saaray qaar ka mid ah muslimiinta ka safraya todobo dal oo Muslimiinta ku badan yihiin.

Xeer ilaaliyayaha maxkamadda ayaa amray in dadka lagu xirxiray eelaboorada inaan la musaafurin karin, Dadkaas ayaa la qabtay ka dib markuu dhaqan galay dikreetadii uu Trump saxiixay.

Dhanka, Madaxweyne Trump ayaa difaacay go’aankiisa uu sida ku meelgaarka ah Mareykanka uga mamnuucay dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiinta ku badan yihiin.

Donald Trump wuxuu saxafiyiinta u sheegay in shuruucda cusub si wanaagsan looga shaqeeyay.

Wuxuu diiday inuu Muslimiinta xayiraadan uu saaray, Dadka diidan ayaa sharciga la tiigsaday si looga noqdo go’aanka.

Garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy ee New York, halkaas oo lagu xiray dad masaafuriin ah, ayaa dibad baxayaal ay tageen, Waxay ku dhawaaqayeen “u ogolow inay soo galaan.”

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: