Dhagayso:Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Canbaareeyay dowladda Soomaaliya

Isniin, Juun 08, 2015 (Daljir) — Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siiciid Xasan Shire oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada ee Magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay Go,aankii dhawaan ay baarlamaanka soomaaliya codka ugu qaadeen baarlamaanka Jubbaland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay mooshinkaas mid aan sharciga waafaqsanayn waxaana uu baarlamaanka soomaaliya ku eedeeyey in ay jabiyen shariciga islamarkaana ay ku tunteen dastuurka dalka u yaala..

Gudoomiye siciid ayaa intaa ku daray kalfadhiga baarlamaanka puntland uu furmi doono 15-ka bishan June islamarkaana looga doodi doono sharci ku tumashada uu samaynayo baarlamaanka dowlada federalka soomaaliya markaasna go,aan laga qaadan doono.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com