Puntland oo heshiis kala dhex-dhigtay beelo dagaalamay

HomeWararka

Puntland oo heshiis kala dhex-dhigtay beelo dagaalamay

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali oo ay wehliyaan qaar kamida Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa safar ku gaaray degaanna

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda 2021
Madaxweynaha Kenya oo Taliska Africom kala hadlay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan kismaayo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali oo ay wehliyaan qaar kamida Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa safar ku gaaray degaannada Teerage iyo Bali-qurun oo hoostaga Degmada Gaalkacyo.

Deegaanadaan ayaa waxaa isku hor fadhiyey laba Beelood, kuwaas oo isku hayey Deegaamaynta dhul udhaxeeyey labada degaan, iyaga oo dhowr jeer wada dagaalamay.

Waftiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Faysal ayaa kulamo ay la qaatay Nabadoonada iyo Bulshada labada degaan ee Teerage iyo Bali-qurun ku guulaystay in ay kala qaadaan Ciidamo Beeleedyo halkaa isku hor fadhiyey iyadoona la go’aamiyey in ay qayb ka noqon doonaan Shirka Nabadaynta Beelaha Gobolka Mudug oo gogoshiisu hadda ka furantahay Magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Maamulka uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa dhowr jeer ku guuleystay inay xaliyaan laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay, iyada oo hadda ay socdaan shirar lagu dhex dhexaadinayo beelo dagaalamay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0