Barlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka mudada xilheyntiisa uu dhamaaday ayaa Maanta oo Axad ah kulan an cadi aheyn ku yeesheen Xaruunta Villa Hargeysa, iyaga oo ku ansixiyay miisaaniyadda dowlada ee 2021.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha ayaa waxaa xaadiray 145 mudane oo ka tirsan Golaha shacabka, kuwaas oo dhaamntood ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2021.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka guddoomiyay ayaa sheegay in ay ansax tahay Miisaaniyadda 2021 oo mudayaasha shalay ay akhrinta labaad marsiiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa ka mahad celiyay sida ay u ansixiyeen miisaaniyadda 2021 oo ay u gudbiyeen golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka mudada xilheyntiisa uu dhamaaday ayaa waxaa weli horyaalla Shaqooyin adag oo u bahan inay meel mariyan halka kuwo kale ay gaarsiin doonan Baarlamaanka 11aad ee la dooran doono.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com