Madaxweynaha Kenya oo Taliska Africom kala hadlay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya

HomeWararka

Madaxweynaha Kenya oo Taliska Africom kala hadlay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi kula kulmay Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska Ciidam

Jigjiga & Sicirbarar Saameyn Ballaaran Yeeshay (Daawo)
Trump oo xaalad degdeg ah ku soo rogay dalkiisa
Cuduro ka dilaacay degaano katirsan Gobalka Cayn (dhegayso)

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi kula kulmay Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Madaxtooyada Kenya ayaa shaacisay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga militari ee ka dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka, waxaana Janeraal Townsend kulanka ku wehliyay Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya Janeraal Robert Kibochi iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya Kyle McCarter.

Sidoo kale wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayan in labada dhinac ay ka wada hadleen howlgallada Mareykanka uu ka wado Soomaaliya, sida duqeymaha uu la beegsado Xarumaha Al-Shabaab maadaama dowladda Kenya ay Soomaaliya ka joogan Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM, iyaga oo dagal kula jira Al-Shabaab.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa todobaadyo kadib markii Mareykanka uu shaaciyay in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, isla markaana ay u wareejin doonaan dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Mareykaka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 700 oo Askari, kuwaas oo Ciidamada dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, sidoo kalena ay duqeymo la beegsadaan Saldhigyada & Saraakiisha Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: