Degaanka Geed dheer oo katirsan Gobalka Cayn ayaa Wararka ka imaanaya sheegaya in Cuduro kala duwan oo ugu horeyso Cudurka jadeecada uu so ritay qoysaas farabaddan oo isugu jirra dad reer Gura ah iyo dadka degaanka.

Guddoomiyaha Degaanka Geed dheer ee Gobalka Cayn oo caawa Waraysi sinayaay Radio daljir ayaa sheegay in Cuduradan uu soo ritay qoysaas gaaraya 1,000 ,kuwaas oo an helin hadda daryeel Cafimaad oo kayimid Puntland iyo Hay’addaha Cafimaadka.

Wuxuu ugu baaqay Dowladda Puntland iyo Hay’addaha kale ee Cafimaadka ,in laga wardoono dadkaas oo uu sheegay in xaladooda cafimaad ay aad u liidato.

Maxamed Lakiman oo Jooga Daljir Garowe ayaa waraystay

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *