Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan kismaayo

HomeWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan kismaayo

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku-Meel Gaar ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland uu tago Madaxweynaha Soomaaliy

Mudanayaasha Aqalka Sare oo maanta yeeshay dood kulul
JIGJIGA: Musharaxiin isku soo taagtay doorashada Itoobiya (daawo)
Maamulka Gobalka Banaadir oo Maanta ka qayb galay dib u habaynta Dugsiyadda Sare ee Muqdisho (dhegayso)

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku-Meel Gaar ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland uu tago Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa Maanta qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha, iyada oo Ammaanka Magaalada siweyn loo adkeeyay.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Kismaayo ayaa la xiriira sidii xal looga gaari lahaa arrimaha Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo la kulmi doona Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegi doono degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka furi doono shir dib u heshiisiin ah, si xal buuxa looga gaaro khilaafka Gobolka Gedo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: