Maraykanka oo Lacag dul dhigay Madaxa Afhayeenka Alshabaab

HomeWararka

Maraykanka oo Lacag dul dhigay Madaxa Afhayeenka Alshabaab

Dawladda Maraykanka ayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa shan milyan oo dollar dul dhigtay madaxa Cali Mohamed Raage, oo ah afhayeenka ururka al-Sha

Nabadoon Xaarin oo ka hadlay shirka dhuusamareeb & diidmada Puntland (Daawo)
TACSI Inaa Li’laahi Wa’inaa Ileyhi Raajicuun
ISTICMAALKA CUNTO DHAQAMEEDKA OO KUSOO BADANAYSA QARDHO (Warbixin)

Dawladda Maraykanka ayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa shan milyan oo dollar dul dhigtay madaxa Cali Mohamed Raage, oo ah afhayeenka ururka al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay barnaamijka abaalmarinta cadaaladda ee wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in lacagtan abaalmarinta ah ay siin doonaan ciddi macluumaad ka keenta shakhsiga ay raadinayaan.

Ali Mohamed Raage oo ku magac dheer Cali Dheere ayaa laga soo bilaabo bishii May ee sannadkii 2009 wuxuu ahaa afhayeenka ururka al-Shabab.

Dawladda Maraykanka ayaa bishii August ee sannadkii 2021, waxay Cali Dheere ku dartay liiska shakhsiyaadka argagixisada caalamiga ah ee la baadigoobayo.

“Go’aankaas iyo tallaabooyin kale oo la qaaday waxay keeneen in la xayiro hantidiisa iyo danaha kale ee uu leeyahay, iyada oo la soo bandhigayo cid kasta oo macaamil maaliyadeed la yeelata Raage” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay dawladda Maraykanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii February 18-keedii ee sannadkii 2022 waxay cunaqabatayn ku soo rogeen Cali Dheere, iyaga oo raacaya qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2093 ee soo baxay sannadkii 2013.

Qaraarkan ayaa ku waajibinaya dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay Cali Dheere ku soo rogaan cunaqabatayn dhinaca hubka ah, iyo weliba wax kasta oo la xidhiidha tababarada, taageerada maaliyadeed, dhinaca socdaalka, iyo in la xayiro hantida Cali Dheere.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: