Bola Tinubu ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada Dalka Nigeria

HomeWararka

Bola Tinubu ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada Dalka Nigeria

Musharaxa xisbiga talada haya ee Nigeria, Bola Tinubu, ayaa loo doortay madaxweynaha dalka ugu dadka badan Afrika saacadihii hore maatan oo Arbac a

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Koonfur Afrika (Daawo)
Djibouti’s Dilemma: Balancing Regional Politics and National Interests
Puntland Focus Group oo soo dhaweyaay Go’aankii Barlamaanka ee shaacinta doorashada PL

Musharaxa xisbiga talada haya ee Nigeria, Bola Tinubu, ayaa loo doortay madaxweynaha dalka ugu dadka badan Afrika saacadihii hore maatan oo Arbac ah kadib doorasho Sabtidii iyo Axaddii dhacday oo ay la loollameen xisbiyada mucaaradka ah.

Tinubu, gudoomiyihii hore ee gobolka Lagos, ayaa hoggaamin doona wadan la halgamaya maleeshiyada Boko Haram ee dhinaca waqooyi bari, weerarrada hubaysan ee shuftada, dil, afduub, colaada u dhaxaysa xoolo dhaqatada iyo beeralayda, lacag la’aan, shidaal iyo tamar yari, iyo musuqmaasuqa ay mucucaaradku sheegeen in xisbiga Buhari uu ku fashilmay la dagaallankiisa.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka (INEC) ayaa sheegay in Tinubu uu helay 8.79 milyan oo cod, isagoo ka hormaray musharaxa mucaaradka ugu weyn ee Atiku Abubakar oo helay 6.98 milyan oo cod, halka Peter Obi, oo taageero ka helayay codbixiyayaasha da’da yar, uu helay 6.1 milyan oo cod.

Sharciga doorashada Nigeria ayaa sheegaya in musharraxa ku guuleysan kara doorasha ay tahay inuu helo codad ka badan kuwa la tartameya, waase haddii uu helo 25% codadka ugu yaraan saddex-meelood laba meel 36-da gobol iyo caasimadda federaalka ee Abuja, taasoo uu suurta gashay Tinubu.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ka horyimid natiijada lagu dhawaaqay, isaga oo ugu baaqeen guddoomiyaha guddiga doorashada Mahmood Yakubu, inuu iscasilo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: