Puntland oo halka milyan ee Dowladda Faderaalka ay ugu deeqday Somaliland sheegtay in lagu hurinayo colaadda Sool, Sanaag iyo Cayn

HomeWararka

Puntland oo halka milyan ee Dowladda Faderaalka ay ugu deeqday Somaliland sheegtay in lagu hurinayo colaadda Sool, Sanaag iyo Cayn

Dowladda Puntland ayaa sheegtay halkii milyan ee doolar ee Raysal Wasaare kuxigeenka iyo wasiirka maaliaydda Dowladda Faderaalka shalay ay ugu deeqeen

MARTISOOR – TAXANAHA QEYBTII 2AAD AASAASKII PUNTLAND & XOGO DAHSOON | (daawo)
Galmudug oo qabatay Markab si Sharci darro ah u kalluumeysanayay
DIBADBAXYO LOOGA SOO HORJEEDO MARAYKAN AYAA KA DHACAY QABRIDAHAR IYO DHAGAXBUUR OO KATIRSAN DDS (daawo)

Dowladda Puntland ayaa sheegtay halkii milyan ee doolar ee Raysal Wasaare kuxigeenka iyo wasiirka maaliaydda Dowladda Faderaalka shalay ay ugu deeqeen Somaliland inuu yahay mid lagu hurinayo colaadda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Puntland Cabdulaahi Xirsi Timo-Cadde ayaa sheegay inay dowladda Puntland diidaneen in loo gurmado dadka ay duufaantu saamaysay, balse ay diidantahay lacagtan oo ah mid kaash ah oo aan la marin hay’adaha khayriga si toos ah loogu dhiibo maamulka Somaliland, waxaana wasiirka uu sheegay taasi inay keeni doonto Somaliland inay uga qayb qaadato dagaalka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay ka waddo.

Wasiirka ayaa sidoo kalle sheegay duufaanta inay ku dhufatay gobolada Puntland, oo guryo burburiyeen iyo hanti, dadna ay u dhinteen, iyadoona aanay jirin wax jawaab ah oo ay Dowladda Soomaaliya ay ka bixisay arrinkaasi, waxaana uu sheegay in hadda Puntland ay u aragto Dowladda Faderaalka inay qayb ka tahay duulaanka Somaliland ay ku hayso dhulka Puntland oo ay la safatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: