Galmudug oo qabatay Markab si Sharci darro ah u kalluumeysanayay

HomeWararka

Galmudug oo qabatay Markab si Sharci darro ah u kalluumeysanayay

Ciidamada ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa howlgal ay sameeyeen waxaabay ku qabteen Markab si sharci darro ah uga kaluumeysanayay aaga xeebta

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf xalay u sameyeey bahda qalinlayda (Sawiro)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo geeriyooday

Ciidamada ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa howlgal ay sameeyeen waxaabay ku qabteen Markab si sharci darro ah uga kaluumeysanayay aaga xeebta dagmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Markabka ay qabteen Ciidamada Xeebaha Galmudug ayaa waxaa ka dul badanayey calanka dowladda Shiinaha sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Badda Maamulka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe ayaa sheegay in markabka ay saaran yihiin 17 Kalluukeysato u dhashay dalalka Shiinaha, indonesia iyo Hindiya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Markaan kaan Kalluumeeysi ay muddo ku raad joogeen, isla markaana uu dhibaateeyay kala duwan uu u geystay Doonyo ay leeyihiin Kalluumeysato Soomaali ah.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe waxaa uu sheegay inay sii wadi soonaan howlgalladabka dhanka ah Maraakiibta Shisheeye ee Kalluumeysiga Sharci darrada ah ka wada Xeebaha Gobolka Mudug.

Howlgalkan Markabka ayaa kusoo aadaya xilli Doonyaha Kalluumeysi ay ka cabanayeen Maraakiib Shisheeye oo xaaluf ku haaya Xeebaha Soomaaliuya, kuwaas oo mararka qaar ay kala kulmi jireen dhibaatooyin kala duwan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: