Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo ka hadashay colaadda Sool (dhegayso)

HomeWararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo ka hadashay colaadda Sool (dhegayso)

Warsaxaafadeed kasoo baxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Enmonton, gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa lagu cambaareeyey weerarka Somaliland a

Xasilinta amni ee Caabudwaaq iyo tallaabooyinka Ciidanka Xooggu (CXD) qaadeen
BADBAADO: Halista COVID ee Maanta & Feejignaan la’aanta bulshada (Taxanaha 10aad | daawo)
Taliska Booliska Soomaaliya oo amar soo saaray
Warsaxaafadeed kasoo baxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Enmonton, gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa lagu cambaareeyey weerarka Somaliland ay ka waddo gobolada Sool iyo Cayn.
Qoraal kasoo baxay jaaliyadda ayaa u qornaa sidaan hoose
Jaaliyadda Somaaliya Edmomonton Alberta Canada.
Biyaan: Canbaarayn Dagaalka Xaaraanta ah iyo Xaqdaradda SNM (Somaliland).
Ku: Madaxweynaha D. F. Somaliya Maxed Cabdullahi Farmaajo.
Ku: Raiisaal Wasaaraha D. F .Somaaliya. Xassan cali Khayre
Ku: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaaliya Maxed Mursal Cabdiraxmaan
Ku: Gudoomiyaha Aqalka Sare Golaha Shacabka Cabdi Xaashi Cabdullahi
Ku : dhammaan Xubnaha Golaha Wasiiradda Somaaliya.
Jaaliyadda Somaaliya Edmonton Alberta, waxay cod buuxa .
ku canbaaraynaysaa Dagaalka Xaaranta ah oo maamulka Somaliland ka wadaan Goboladda Sool , Sanaag iyo Cayn
Waxaa Suaal mudan ah , jawaab la’aanta Madaxweynaha iyo Raiisaal Wasaaraha Dawladda Federaalka Somaaliya ee dagaalka xaqdaradda ah oo Maamulka Somaliland ka wadaan Goboladda Sool,Sanaag iyo Cayn.
Maamulka Somaaliland waxay si qabiil ku dhisan min 1988 ilaa 2018 waxay dagaal colaad sokeeye oo weerar joogto ah ka wadaan Goboladda Sool iyo Sanaag .
Maamulka Hargeysa ee Somaaliland waxuu gabaad u yahay Argagixisadda waxuuna taakulayn iyo talo-wadaag la yahay Alshabaab ee fuliya dilaalka qorshaysan ee ka dhaca Puntland iyo Nawaaxigga Mogaadishu Caasimada Somaaliya.
Siyaasiyeenta Maamulka Somaaliland waxaa dan u ah wax kasta oo khalkhal gelinaaya Nabadda iyo xasiloonidda Dalka Somaaliya, waxayna doonayaan weligeed , in Somaaliya baaqi ku ahaato colaad dagaal sokeeye iyo barakac joogto ah.
Maamulka Somaaliland waxay yiraahdeen ma aqoonsanin Dawladda iyo Midnimadda dalka Somaaliya , waxayna doonayaan aragti khaldan ee guracan oo xag-jir ah kuna dhisan nacayb Somaali-diid ah,ee xanbaarsan fikir qabyaaladaysan, fikir Argagixiso, fikir Nabad-diid ah iyo Somaali Dawlad-diid ah.
Goboladda Sool, Sanaag iyo cayn:
waxay marwalba u taagan yahiin Midnimadda Qaranka Dalka Somaaliya.
Waana Aasaasayaashii hormoodka ka ahaa is-raacii iyo dhalashadii Dawladda Qaranka Somaaliyeed.
waxay si buuxdda u garab taageersan yahiin Dawladda Federaalka Somaaliya., midnimadda Somaaliya waa Muqadaas lama taabtaan ah.
Dhammaan shacabka degaamadda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa ka dhacaaya banaanbaxyo looga soo horjeedo colaadda ay wadaan Somaaliland oo ku salaysan kala goonta Dalka Somaaliya.
Hadaba ayaddoo sidaa mowqifku u kala caad yahay ee kor ku xusan
waxay Jaaliyadda Somaaliya Edmonton Alberta ka codsanaysaa dhamman Masuuliyeenta .
D .f. Somaaliya ee kor ku xusan, si gaar waxaan uga rabnaa in Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raiisaal Wasaaraha Xassan Cali Khayre ay jawaab ka bixiyaan fal dembiyeedka dagaaladda xasuuqa joogtadda ah ee Somaaliland ka waddo Sool Sanaag iyo Cayn kuna dhisan midnimo-diidka qaranka Somaaliyeed.
Codka Jaaliyadda Somaaliya Edmonton Alberta.
Date: June 4/ 2018
Halkan ka dhegayso  wariye Cabdixakiin Xuseen Xasan
http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5b1661560a0100428fa14f68/Warbxinta+Jaaliyada+ALBERTO+Canada+By+Cabdi+Xakiin+%281%29.mp3

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: