Puntland oo beenisay in Dowladda Soomaaliya lacag ugu deeqday waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Puntland oo beenisay in Dowladda Soomaaliya lacag ugu deeqday waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Dowladda Puntland ayaa qoraal ka soo saartay lacag Dowladda Federaalku ay ku sheegtay in ay ugu deeqday oo ay kaga qaybqaadatay dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

“Dawladda Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar)” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa hore u ballanqaaday in lacag dhan 5 Milyan oo dollar ay kaga qayb qaadan doonto dhismaha wadada ceeldaahir iyo Ceerigaabo. Guddiga wadada ayaa sheegay in weli lacagtaasi ay ka sugayaan dowladda Federaalka.

Hoos ka akhri.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com