Puntland oo beenisay in Dowladda Soomaaliya lacag ugu deeqday waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo

HomeWararka

Puntland oo beenisay in Dowladda Soomaaliya lacag ugu deeqday waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Dowladda Puntland ayaa qoraal ka soo saartay lacag Dowladda Federaalku ay ku sheegtay in ay ugu deeqday oo ay kaga qaybqaadatay dhismaha waddada Ceeld

Dufcaddii Lixaad oo Ka Qalin Jebisey Jaamacadda Badda Cas ee Boosaaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo dowladda Kuwait kala hadlaya suuq gaynta beeraha dalka

Dowladda Puntland ayaa qoraal ka soo saartay lacag Dowladda Federaalku ay ku sheegtay in ay ugu deeqday oo ay kaga qaybqaadatay dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

“Dawladda Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar)” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa hore u ballanqaaday in lacag dhan 5 Milyan oo dollar ay kaga qayb qaadan doonto dhismaha wadada ceeldaahir iyo Ceerigaabo. Guddiga wadada ayaa sheegay in weli lacagtaasi ay ka sugayaan dowladda Federaalka.

Hoos ka akhri.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: