HomeUncategorized

Prof. Jawaari oo degniin u diray xildhibaada maqan xili ra?isal wasaaruhu hortegayo baarlamanka

Muqdisho, November 27, 2013 - Gudoomiyaha baarlamanka dowladda federaalka ah ee soomaaliya Prof. Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa mar kale degniin kama dambays ah u diray xildhibaanada dowladda.

Barnaamijka Dhaliil & Dhiirigelin: Dood ku saabsan waxqabadka maamulka gobolka Cayn & kan Buuhoodle.
Maamulka gobolka Sool oo dadaal ugu jira joojinta xaalufka deegaanka.
DHEGEYSO-Maamulka gobolka Karkaar oo lakulmay Hay’ado caalami ah.

Muqdisho, November 27, 2013 – Gudoomiyaha baarlamanka dowladda federaalka ah ee soomaaliya Prof. Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa mar kale degniin kama dambays ah u diray xildhibaanada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka maqan fadhiyada baarlamanka ee dalka.

Prof. Jawaari waxaa uu sheegay in lagu jiro xili adag oo uu taagan yahay mooshin ka dhan ah ra?isal wasaare Saacid, waxaa uu gudoomiye Jawaari ka dalbaday xildhibaanada maqan in ay dalka dib ugu soo noqdaan.

?Xildhibaankii ka maqan fadhiyada mudo dheer, kuwa dibeda jira iyo kuwa guryahooda jooga, waxaan u arkaynaa in ay ka dhuumanayaan shaqadooda.? Ayuu yiri Prof. Jawaari.

?Kooramku ha baaqdo ayaan gurrigayga u jiifsanayaa, taas ma oggolaanayno, waxaan la soconaa in xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay dibeda u socdaan taas suurta-gal maaha.? Ayuu yiri mar kale Prof. Jawaari oo ka hadlayey arrimaha Xildhibaanada maqan.

Gudoomiyaha baarlamanka ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in dalku xaalad adag ku jiro, isla makaasna caalamka oo dhan uu isha ku hayo xildhibaanada baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa uu dalbaday in fadhiga baarlamka la soo buuxiyo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: