Nin Soomaali horey uga tirsanaa Booliska Minneapolis oo xabsiga laga sii daaya

HomeWararka

Nin Soomaali horey uga tirsanaa Booliska Minneapolis oo xabsiga laga sii daaya

Askari hore oo katirsanaa Booliska Minneapolis oo toogtay haweenay aan hubaysnayn sanadkii 2017 ayaa laga sii daayay xabsigaka dib markii uu ku jiray

Tartan & Tacliin oo biloowday iyo SOMTEL oo fududeyneysa
Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay Guddigii doorashada Madaxweynaha
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Askari hore oo katirsanaa Booliska Minneapolis oo toogtay haweenay aan hubaysnayn sanadkii 2017 ayaa laga sii daayay xabsigaka dib markii uu ku jiray xabsi muddo saddex sano ah, sida lagu sheegay diiwaannada Waaxda Asluubta ee Minnesota.

Mohamed Noor, oo 36 jir ah, asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa bishii April 2019 lagu helay dambi dil toogasho ah oo lagu dilay Justine Ruszczyk, taas oo dilkeedu uu dhacay markii ay xiriir la sameysay booliiska habeenimadii July 15, 2017, si ay uga warbixiso weerar ka dhacay meel u dhow gurigeeda

Kiisku waxa uu caro ka dhaliyay Maraykanka iyo Ruszczyk oo ay asal ahaan ka soo jeedo Australia waxana uu sababay in taliyihii booliiska magaalada uu iscasilo.

Xeerbeegtida Marayanka ayaa markii hore askarigaan ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah. Balse markii dambe ayay maxkamaddu sheegtay in aanay jirin caddayn ku filan dambiga askarigan oo lagu sii wadi karo. waxaana lagu xukumay afar sano iyo sagaal bilood oo xarig ah oo lagu soo oogay eedaymo dil ah.

Qoyska iyo Saaxiibada Maxamed Nuur ayaa aad ugu farxay sadex sano akdib siideyntiisa, iyaga oo sheegay inay rajo weyn ka qabeen in la siidaayo maadaama cadeyn rasmi ah lagu waayay

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: