laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay, Rasaas, Maandooriye & dad ka Ganacsanayay

HomeWararka

laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay, Rasaas, Maandooriye & dad ka Ganacsanayay

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Bari ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka, Kaaraan, Y

Sheekh Shariif gabagabada shirka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha muxuu ka yiri ? (Daawo)
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Farriin: Musuqmaasuqa waa dib-u-dhaca koowaad ee bulsho. Diid musuqmaasuqa. Diid kii kaa dalbada! (dhegayso)

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Bari ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa, halkaas oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay dadka degan ay ka cabanayeen amni darro.

Howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidamada qeybta Bari iyo Maamulada degmooyinka ayaa Ciidamadu sameeynayeen baaritaano Guri guri ah, iyaga oo kusoo qabtay Mandooriyaal, Rasaas iyo shaqsiyaad Amni daro lagu eedeyay

Ciidamada ayaa howlgalka ku burburiyay Sandaqado lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kale laga helay rasaas farabadan iyo Agab kale oo looga qeyb qaadan karo falalka Amni darro oo uu dhaca qeyb ka yahay.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid si joogto ah loo sameyn doono, isaga oo digniin u diray dadka ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo ku hadlayay Magaca guddoomiyeyaasha ayaa dhankiisa ugu baaqay Waalidiinta Carruurta Ciyaal weerada ah iyo kuwa dhaca u geysta Shacabka inay ceshadaan hadii kale tallaabo laga qaadi doono.

Saddexda degmo ee Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa ayaa kamid ah degmooyinka Bilihii la soo dhaafay ay kajireen dhaca teefoonada iyo dhibaatooyinka ay geeysanayaan Ciyaa weerada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: