Wasiirka Beyle oo hortegay Xildhibaannada labada Aqal & Su’aalo adag oo la weeydiiyay

HomeWararka

Wasiirka Beyle oo hortegay Xildhibaannada labada Aqal & Su’aalo adag oo la weeydiiyay

Xarunta Shirarka Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan xasaasi ah uu uga socdaa Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxa

Bilicda Iyo Beeraha Magaalada Dhagaxle ee Dagmada Gursum Ee Gobolka Faafan DDS (Sawiro)
Koonfur Galbeed: Ciidamada Ammaanka oo Howlgallo Kawada Deegaanka
Saaka & Dunida iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)

Xarunta Shirarka Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan xasaasi ah uu uga socdaa Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hortegay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa ah miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022, waxaana Xildhibaannada labada Aqal ay su’aalo adag weeydiinayaan Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Xildhibaan Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa Wasiirka weeydiiyay xisaab xirka laga rabay Wasiirka ee miisaaniyadda laga soo bilaabi sanadkii 2018-kii ilaa 2021, wuxuuna Wasiirka ku jawaabay.

” Xisaab xeradii wey yaalaan waxaana haysta baarlamaankii 10aad oo meel mariyay, waxaana diyaar u yihiin in markale golaha horkeenaan oo shaqadoda ka gutaan hadii loobaahdo oo laba isbuuc lasiiyo.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dhankeeda ku celisay in uu soo bandhigo cidda u ansixisay miisaaniyadda 2018, 2019, 2020, 2021, hayeeshee uusan ka jawaabin.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in aysan jirin miisaaniyad meel ay ku ansixiyeen 5-tii sano ee la soo dhaafay iyo meel ay xisaab xer ku ansixiyeen, balse uusan ogeyn hadii wasiirka uu golaha shacabka horgeeyay .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: