HomeUncategorized

Nick Kay oo Nabaddoon-nimo u Imaanaya Gaalkacyo

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_ Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa kasocda kulamo gooni gooni oo ay yeelanayan madaxda kusugan magaalada.

DHEGEYSO-Wararkii ugu dambeeyey ee gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Koob loogu Magac Daray Madaxweynihii ugu Horeeyay Puntland oo Garowe ka Socda
DHEGEYSO-Musharixiinta aqalka sare ee Puntland oo dhamaystiran.

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_ Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa kasocda kulamo gooni gooni oo ay yeelanayan madaxda kusugan magaalada.

Kulamada ayaa looga hadlayaa sidii heshiis looga gaari lahaa xiisada ka taagan Gaalkacyo,waxaana uu Ra’iisul wasaaruhu mid walba dhankliisa ula la shiray labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug isagoo kala hadlay xal ka gaarista colaada.

Maanta ayey kulmo kale oo gooni gooni ah yeelanayaan madaxdu, waxaana lagu wadaa in kulamaasi ay madaxda dowladda Fadaraalka iyo labada madaxweyne Jubbaland iyo Koonfur galbeed la yeeshaan madaxda Puntland iyo Galmudug.

Wasiiru-Dowlaha madaxtooyada ee dowladda Fadaraalka Xildhibaan Mahad Salaad oo la hadlay warbaahinta saakay ayaa sheegay in kulamo gooni gooni ah ay la qaadanayaan masuuliyiinta Galmudug iyo Puntland, dhawaana ay wada hadli doonaan labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.

Dhanka kale ergayga gaar ah ee Soomaaliya u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa Maanta la filayaa inuu tago Gaalkacyo, isagoo ka qayb gali doono da daalada nabadeed ee kasocda Magaalada.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: