HomeUncategorized

M/weyne Shariif oo sheegay in aas qaran loo samayn doono Alle ha u naxariistee M/weyne C/llahi Yuusuf Axmed.

Caption ...

“Dawladda Turkiga ayaan ka helnay deeq waxbarasho oo cusub” Wasiirka waxbarshada ee federaalka.
Dhagayso Barnaamijkii Caawa iyo Daljir Arbaco – 20 – April – 2016 Wariye Axmed Shiikh Maxamed Tallman
Amb. Ameeriko ? Kenya eedayn aan la hubsan ayey saartay qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab?

Muqdisho, Mar, 23 – Shir degdeg ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho M/weynaha Soomaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, R/wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan golaha wasiirada, golaha baarlamaanka iyo saraakiisha ciidanka ayaa lagu sheegay in Allaha u naxariistee aas qaran loo samayn doono M/weyne Yuusuf oo saaka ku geeriyooday isbitaalka Sh. Zaayid ee magaalada Abu-dhabi.

M/weynaha ayaa hadalkiisa ku daray in qaban-qaabada aaska loo magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban hay?adaha dawladda kuwaas oo maantaba hawshooda bilaabay.

Sh. Shariif ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soomaliyeed waxaana uu marxuunka uga baryey inuu ilaahay janadii Firdawsa ka waraabiyo. Waxaana uu dadka Soomalida ah ka codsaday inay cafiyaan marxuunka, maadaama cidkasta oo hawl noocaas ah qabata wax laga tirsan karo.

Maydka Marxuunka ayaa laga dajin doonaa garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo salaadda jinaasada lagu tukan doono.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: