Ururka Qurbajoogta Puntland – Tacsi geerida Alle ha u naxariistee C/llahi Yusuf Axmed.


Puntland Diaspora Forum (PDF)

Innaa Lillaahi waa Innaa ilayhi Raajicuun.

Ururka Puntland Diaspora Forum asagoo ku hadlaya magaca Qurbo-joogta reer Puntland wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed oo Jimcihii, March 23, 2012 ku geeriyooday Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa ururka PDF ilaah uga baryayaa marxuumka in Allaah naxariis iyo danbi dhaaf siiyo, eheladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iiimaan ka siiyo. Waxaa ururku xasuusinayaa ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed inay guttaan xuquuqda dadka Muslimiintu isku leeyihiin oo ah in midkooda dhinta ay u duceeyaan , cafiyaan , xusuustaanna in adduunka noloshiisu tahay ku meel gaar, degaanka rasmiga ahina aakhira yahay.

Waxaa ururka PDF mar labaad ilaah uga baryayaa marxuum Cabdullaahi Yusuf Ahmed inuu naxariis iyo danbi dhaaf siiyo, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lillaahi waa Innaa ilayhi Raajicuun.

PDF Communication team.


TACSIYEYN: Australia Puntland Diaspora Forum, Melbourne, Australia.

Anniga oo ku hadlaya magaca dadka reer Puntland ee ku dhaqan dalka Australia waxaan ugu horrayn tacsi gaar ah u diraynaa qoyskii iyo eheladii Marxuum Cabdullaahi Yusuf iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timkid Madaxweynihii hore ee Somalia, oo dhowaan ku geeriyooday dalka Imaaraatka Carabta.

Cabdullaahi wuxuu ahaa halyey Soomaaliyeed kaas oo u soo halgamay umadda Somaliyeed sidii horumar lagu gaarsiin lahaa halgan kaasa oo soo maray heerar badan oo kala duwan, guullo iyo shidooyin badana uu kala kulmay.

Waxaanu illaahay uga baryeynaa Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo uuna geeyo jana fardowsa.

Omar Mohamud Dhollawaa
Guddoomiyaha Qurba Joogta reer Puntland ee Australia


TACSI – Denmark Puntland Diaspora Forum, Copenhegan, Denmark

Gudiga Jaaliyada PDF – Denmark iyagoo ku hadlaya magaca Jaaliyada guud ahaan Waxay ka tacsiyeynayaan Geerida Madaxweynehe Cabdullaahi Yusuf Axmed. Waxay si gaar ah tacsi ugu dirayaan qoyska reer Cabdullaahi Yusuf oo kala ah Marwo Xaawa Cabdi Samatar, iyo caruurtooda oo kala ah Mohamed, Axmed, Maryan, iyo Khadiija Cabdullahi Yusuf.

Gudiga Jaaliyadu iyagoo ka tiiraanyeysan Geerida Marxuumka waxay guud ahaan qoyska reer Yusuf Yeey Illaahay uga baryayaan inuu samir ka siiyo.

Jaaliyadu waxay kaloo tacsi aan la soo koobi karin u dirayaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland geerida ku timid marxuum Cabdullahi Yusuf.

Gudiga PDF – Denmark

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com