“Dawladda Turkiga ayaan ka helnay deeq waxbarasho oo cusub” Wasiirka waxbarshada ee federaalka.

Muqdisho, Dec 13 – Wasaaradda waxbarshada Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay deeq cusub oo waxbarsho dalka Tukiga ah,kadib markii dhawaan magaalada Muqdisho uu booqday ra’isal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga.

Wasiirka waxbarashada Dowladda KMGS Dr Axmed Ceydiid Ibraahim oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho waraysi siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay wasaaradiisa inay deeqo waxbarasho ay dhawaan ka heshay dalka Turkiga taasi oo gaaraysa 500-oo kursi.

Wasiirka ayaa sheegay deeqdan inay ka dhalatay kadib markii dhowaan magaalada Muqdisho uu booqday ra’isal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga islamarkaana uu u balanqaaday wasiiradiisa inuu siin doono deeqda 500-oo arday Soomaliyeed ah oo isugu jirta jaamacado iyo dugsiyo sare oo ku yaala dalka Turkiga.

Wasiirka Waxbarashada Dr Axmed Ceydiid Ibraahim ayaa dhinaca kale sheegay wasaaradiisa inay usoo bandhigi doonto ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan deeqda waxbarsho ee dhawaan ay ka heshay dalka Turkiga si’ay uga faa’iidaystaan.

Dowladda Turkiga oo arimaha Soomaaliya si gaar ah ugu soo jeestay tan iyo markii abaartii ugu xumayd mudo 60-sano ay ku dhufatay gobolo katirsan dalka Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale deeq waxbarsho oo dalkaasi ah ugu qaaday inka badan 600-oo arday oo kasocotay gobolada Puntland,Somaliland iyo koonfurta dalka Soomaaliya.

Maxamuud Cabdi Ibraahim
Radio Daljir.

Home – Default

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 9
  • abdiyare7 2 weeks

    asc magaceygu waa c/risaag maxamed waxaa mahad iska leh alaah ka sokoow dowlada soomaaliyeed yloyo tan turkigaba

  • Asc waxaan u hambaliyeynayaa dowlada jamhuurida faderaalka somalia iyo dhigeeda dowlda turkiga waxaan Ku faraxsanahay in ay ardayda somaaliyeed ka taageeraanmagaceygu waa Khalid Abdulahi Ali waxaa iisoo idlaaday waxbarashada dugsiga sare waxbarasho free ah

  • mariam 1 month

    Waxan umahad celinyaa dowlda Somalia iyo dowlda turkig waxan wata codsi ah waxan dhameeyay dugsigasare waxan jeclhy in waxlyga siiyo deeqda waxbrsho mxayeelay mhaysto dhaqale ankubilaabo jmcad iyo cid icawisa sodas darteet waxan rajeynyaa in codsigayga LA aqblo inzhlh

  • zaxafi Ahmed dahir mohamed 2 months

    Asc magacaygu waaa zaxafi Ahmed daahir waxaan umahadanaqayaaa dawlada jamuuriyada fadaraalka soomaliya iyo schoolship ugu deeqday ardyda alllh baa mahad iskale had a dawlad baan yeelany

  • ali ilmi jimcaale 2 months

    marka hore waxaan umahad cilinayaa dowlada fedaraaka soomaliy ookasooshaqeeysay deeqo waxbarasho eedalalka kaladuwan sida dalka turkiga .
    marka xigata waxaan wasaarada waxbarashada somallia kacodsanaa deeqda waxbarasho eedalka turkiga waxaan haastaaa qeybta koobaad ee shahaadada jaamacada oo dalka gudihiisa ah

  • Hussein Ali Derie. 7512265 2 months

    Marka hore waxaan umahad celinayaa dowlada somalia oo ka soo shaqaysay deeqda waxbarasho ee dalka turkiga.
    Marka xigtana waxaan wasaarada waxbarashada somalia ka codasanayaa deeqda waxbarasho ee dalka turkiga.

  • Salma daahir 2 months

    Waxan ardayad waxan doo Naya in aan barto sida dharka loo sameyo wxn codsanaya dalka tukriga inay ii aqbalan codsigayga maadama Sana helikaranay dhaqalaha a adka utirada badan

    Waa codsi gabadh soomaliyed

    • Cabdiraxman maxamuud axmad 2 months

      Asc waxaan umahad celinayaa doolada somali oo kasoo shaqeesay deeqda waxbarasho waxaana kacodsanayaa ineeey wax iga siiyaan waabmahadsantihiin

      • Deqa yusuf ma 2 months

        As ca magscayku was Deqa yusuf Mohammed uku horayn waxan umahad celinayaa dawlad somalia oo kasoo shaqaysay deqdan wax barsho intaa kadib waxan u bahan deq wax barasho waxan ahay plz was codsi mahadsanidiin