Garowe, Mar 23 – M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa dhambaal tacsi ah ka diray geerida Alle ha u naxarisitee C/llahi Yusuf Axmed, M/weynihii hore ee Somaliya, ahaana M/weynihii ugu horeeyey ee Puntland.
M/weyne Faroole ayaa Eebe uga beryey marxuumka in uu janada fardawsa ka waraabiyo.
Waxaa uu u rajeeyey ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo ummadda Somaliyed sabir iyo iimaan.
M/weyne Faroole waxaa uu xusay in aas qaran loo samayn doono M/weyne Yusuf, calankana hoos loo dhigi doono muddo saddex (3) cisho ah.
Dhambaalka tacsida ah ee M/weyne Faroole
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN