Muqidhso: Hoobiye xalay lagu garaacay degmada Boondheee (Dhegayso)

Muqdisho, Dec 5, Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Cabdilaaahi Xisri Wardheere ayaa shir saxaafadeed uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu kaga warbixiyey Hoobiyayaal xalay lagu garaacay xaafado kamid ah degmadaasi.

?
Wuxuu sheegay in 4 Madfac oo nooca Hoobiyaha loo yaqaano ay kusoo dhaceen Degmada Boondheere kuwaasoo dadka hurdada ka kiciyey xalay Saqdii Dhexe.
?
Cabdilaahi Xirsi Wardheere Wuxuu sheegay in khasaare dhaawac ah uu ka dhashay Madaafiicdaasi, 5 qof oo isku qoys ah ayuu sheegay inay ku dhaawacmeen Madaafiicdaasi lagu garaacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
?
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii danbe kanasatay Hoobiyaasha noocan ah oo beri ay caan ku ahayd hase ahaatee mararka qaar ayaa sidan oo kale dhegaha dadka Muqdisho loo xasuusiyaa hubka noocan oo habeenada qaar lagu seexiyo.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0