Dawlada Puntland ayaa sheegtay inay dileen 7 katirsan Al-shabaab

?

Boosaaso, Dec 5, Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada amniga Puntland ayaa lagu sheegay in ay dileen 7 ka tirsan Al-shabaab kadib iska hor imaad ka dhacay deegaanka Sugure ee gobolka Bari.

?
Warsaxafaadeedka ayaa u qoraa sidan hoose.
?
Ciidamada Puntland oo Iska Caabiyey Weerar Al Shabaab ku soo?
qaadeen Agagaarka Buuraleyda Galgala
?
?
WAR SAXAAFEED?5 December 2012
?
Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo ?qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab agagaarka buuraleyda Galgala.
?
Xalay abaare 11:00 habeenimo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan ?argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku ?sugan agagaarka Buuraleyda Galgala. Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho weerarkaasi kasoo qaaday ayaa ?Ciidamada Puntland ku guleysteen in ay ?jabiyaan weerarkooda.
?
Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah.
?
Labo ?askari oo ?ka ?tirsan ?Ciidamada ?Difaaca ?Puntland ayaa ku shahiidey?weerarkaasi, ?Ciidamada Puntland ?ayaa ku raad jooga wixii ka haray?argagaxisadii weerarka soo qaaday.
?
Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku?qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay?khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.
?
Dowladda Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh ujeedooyin siyaasadeed?gudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab?oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.
?
— DHAMAAD —

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com