HomeUncategorized

Puntland oo shahaado sharaf kaheshay dowladda Maraykanka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa shahaado sharaf guddoonsiisey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ku joogey muddo ka badan 20 cisho.

DHEGEYSO-Qoysas ka soo hayaamay Togdheer oo gurmad lagu gaarsiiyey Isku-shuban
DHAGEYSO: Rabshado ka dhashay Raashin laga qeybin lahaa degmada Rako Raaxo ee gobalka Karkaar
Baahin: Axad, Dec 25, Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. Jaamac Nuur Shire, sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka miina-baarista Puntland oo ku geeriyooday qarax miino xilli uu ku hawlanaa miina-baaris; Afhayeen Shariif Xasan oo Garowe kula kulmay waxgarada Digil & Mirifle ee ku nool Puntland; Qaar ka mid ah mudanayasha baarlamaanka federaalka oo sheegay in ay dooran doonaan guddoon cusub.

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa shahaado sharaf guddoonsiisey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ku joogey muddo ka badan 20 cisho.

Shahaado sharaftaan ayaa la xiriirtey kadib markii uu Agaasimuhu soo dhammaystay hawlihii shaqo ee uu u tegey dalkaasi isla markaana uu  muujiyey firfircooni iyo hawl-karnimo dheeraad ah, isagoona ka soo qayb galay shirarkii xisbiyada dimuqraadiga iyo Republican-ka, si’ uu si  dhow wax uga ogaado  hannaanka doorashooyinka dalkaasi.

Agaasimuhu waxa uu ka mid ahaa labo qof oo  Qaaradda Afrika uga qayb geleyey barnaamij loogu  magac daray Hoggaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta da’da yar oo sannadkiiba mar lagu qabto waddanka Maraykanka, kuwaas oo loogu talo galay in ay aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalkaasi ay kasoo kororsadaan.

Sidoo kale Agaasimuhu muddadii uu ku sugnaa dalka Maraykanka waxa uu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin kala duwan oo xilal ka haya dalkaasi, waxaana uu u sharraxay qaabka ay doonayso dawladda Puntland in ay uga gudubto hannaankii hore ee wax lagu soo dooran jirey iyo taageerada ay beesha caalamka uga baahan tahay, iyadoona ay masuuliyiintaasi u ballan qaadeen in ay Puntland  ka caawin doonaan barnaamijyo badan oo dhaxal gal u ah shacabka reer Puntland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: