MUQDISHO: Taliyihii Nabadsugida degmada Deeyniile oo qarax lagu dilay

HomeWararka

MUQDISHO: Taliyihii Nabadsugida degmada Deeyniile oo qarax lagu dilay

Taliyihii Ciidanka Nabadsugida degmada Deeyniile Abdishakuur Raage (Abdi Yare ) ayaa maanta lagu dilay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah xilli

Madaxweyne Saciid Deni: ”Dalkaan Hal Ciidan ayuu Yeelanayaa, Ciidamo Rag Leeyahay Ma Yeelanayo.” (daawo)
Reer Sacuudi oo is Afgambiyey iyo Saadaasha Fog ee Sacuudiga
Madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku shiraya Nayroobi iyo Beesha Caalamka oo ka soo qaybgalaya

Taliyihii Ciidanka Nabadsugida degmada Deeyniile Abdishakuur Raage (Abdi Yare ) ayaa maanta lagu dilay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah xilli uu ku sugna duleedka degmadaasi Deeyniile.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Gaari nooca Soomalida u taqaano Cabdi Bilaha oo uu saarnaa Taliyaha uu qaraxa haleelay xilli ay Ciidamada Nabadugida howlgal amni xaqiijin ah ka wadeen degaanka Ceel Shaale.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Saddex kamid ah ilaalada Taliyaha, waxan ku dhaawacmay tiro kale oo ciidamada ah kuwas oo loo qaaday mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho.

Laamaha amniga degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxaasi, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay inay ku dileen Taliyihii Nabdsugida degmada Deeyniile iyo 11 askari oo la socotay.

Alle ha u Naxariistee Taliyihii Ciidanka Nabadsugida degmada Deeyniile Abdishakuur Raage (Abdi Yare ) ayaa waxaa uu kamid ahaa mas’uuliyiintii shalay booqday waaxda Burdheere ee degmada Deeyniile, halkaas oo xiisad ka taagneyd xal laga gaaray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: