Farmaajo:  “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay u midoobaan xoojinta Dowladnimada”

HomeWararka

Farmaajo: “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay u midoobaan xoojinta Dowladnimada”

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda salaanta calanka si loo weyneeyo Maalinta as

Warka Fiidnimo iyo Axmed Sheekeeye , Daljir Garoowe (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | AYAANLE CABDULAAHI JAAMAC | CAABUDWAAQ 1-JUNE-2022
Qoysaska reer guuraag ah oo codsanaya daryeel caafimaad (daawo)

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda salaanta calanka si loo weyneeyo Maalinta asaaska Calanka ee 12-ka Oktoobar, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Farmaajo oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka ayaa tilmaamay in ay muhiimad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-kii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: