Muqdisho: Midowga Musharaxiinta oo ka dalbadey Ra’iisul Wasaaraha inuu bedelo guddi uu magacaabay

Muqdisho: Midowga Musharaxiinta oo ka dalbadey Ra’iisul Wasaaraha inuu bedelo guddi uu magacaabay

Golaha midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay guddiga uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista kiiska askarta Eritrea basle ka dalbaday inuu wax ka bedelo guddigan.

War-saxaafadeed ku taariikheysan 13-ka June, 2021 ayaa sheegay in guddiga ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumad eedeeysan.

“Golaha wuxuu ugu baaqayaa Mudane Rooble in si ummadda Soomaaliyeed ay ugu kalsonaadaan gudigaan uu dib u soo magacaabo xubno dhexdhexaad ah oo aan dowladda ka tirsaneeyn sida ururada bulshada rayidka iyo madaxda axsaabta Soomaaliyeed qaarkood oo aan marnaba shaki ka imaan karin madaxbanaanidooda iyo go’aanka ay ka soo saaraan hawl qarameedka loo igmaday,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Halkan ka akhriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com