Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo shir muhiim ah daahfuray

HomeWararka

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo shir muhiim ah daahfuray

Ku simaha maxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa furay Shirka wadatashiga isku-duwidda wasaara

Maxamed Siciid Atam oo lagu Daray Liiska Argagixisada ee Isbaheysiga Sacuudiga (dhegayso)
Golaha wasiirada Puntland oo shirkooda uga hadlay xaalada gobolka Gardafuu (daawo)
Khamri laga soo gurey dhufeysyadii shalay laga kiciyey ciidamada Somaliland

Ku simaha maxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa furay Shirka wadatashiga isku-duwidda wasaaradaha ee siyaasadda maamul baahinta iyo aasaasida xafiiska xariirka oo ka dhacay Xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshisiinta Galmudug.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Wasiiradda 9ka wasaaradood agaasimayaasha wasaaradaha iyo xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Si loo daadajiyo loona kor joogteeyo shaqada wasaaradaha ee Galmudug waxaa muhiim ah in la aasaaso xafiiska xariirka wasaaradaha kaas oo kor joogteyn doona howlaha wasaaradaha Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa tibaaxay in Maamul Daadajinta ay Galmudug ugu jirto arrimaha horutabinta u leh, asago hadalkiisa sii wata ayaa waxa u yiri waxan sido kale Galmudug dhawan ka bilaabi doona Barnamij Dhab u heshiisin oo Galmudug ay baahi wayn u qabto.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: