Maxamed Siciid Atam oo lagu Daray Liiska Argagixisada ee Isbaheysiga Sacuudiga (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Maxamed Siciid Atam oo lagu Daray Liiska Argagixisada ee Isbaheysiga Sacuudiga (dhegayso)

Dowladda Sucuudiga ayaa liiska Argagixisada ee Dowladda Qadar ay taageerto ku dartay Maxamed Siciid Atam oo kamid ahaa Ururka al-Shabaab isla markaana

Maxaad ka taqaan ciidamada PSF mise run baa in Taliye Assad Cismaan yahay musharrax Madaxweyne Puntland (dhegayso)
Dakharada gumeystaha iyo gumeysi-kalkaaliyaha maanta oo Soomaali ah
Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aden oo la filayo in uu berri iscasilo iyo KG oo gashay marxalad cusub oo siyaasadeed

Dowladda Sucuudiga ayaa liiska Argagixisada ee Dowladda Qadar ay taageerto ku dartay Maxamed Siciid Atam oo kamid ahaa Ururka al-Shabaab isla markaana madax ka ahaa Shabaabta buuraha Galgala.

Atam ayaa ka soo mid noqday Maxkamadihii Islaamiga la magacbaxay ee koonfurta Soomaaliya, waxa uuna ka soo dagaalamay deegaamo badan oo Soomaaliya kamid ah ayna ugu horrayeen kuwii Gedo ee markii danbe Janaraal Caydiid taageeray (dagaaladii Itixaadka), ay ku jiraan kuwii Bossaso iyo buuraha Saliid (isla dagaaladii Itixaadka ee uu hoggaanka u ahaa Xasan Daahir Aweys), ayna ugu danbeeyeen kuwii Galgala ee gobolka Bari, oo uu mar kale hadana ka sii aaday Shabaabka Koonfurta, illaa uu markii danbe isu soo dhiibay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, isaga oo isdhiibistiisa ku sheegay in ay tahay mid uu kaga baxay aaminsanaantiisii Al-Shabaab iyo ururada magaca Islaanka ku dagaalama, dagaalkaas oo uu waday tan iyo sagaashameeyadii.

Hadaba si aan wax uga ogaano hadafka ku darista Sucuudigu uu hadda Atam ku daray liiska argagixisada adduunka waxa ay ka dhigantahay iyo ujeedada Sucuudigu uu ka leeyahay ayaan waxaan ammuurahaas ka waraysanay Cabdirisaaq Shirwac oo ah aqoonyahan aqoon sare u leh hadafka iyo dagaalada aan dhammaan ee Islaamiyiinta, iyo waliba qoryoqaadashada Maxamed Siciid Atam illaa iyo biloowgii dagaaladii sokeeye, mar kastana uu qoriga kula soo jeeday deegaanada Puntland ee waqtigii dagaalada sokeeye ee Janaraal Caydiid iyo kuwii Itixaadka la isku oran jiray deegaanada Waqooyiga Bari ee Soomaaliya.

Hoos kaga bogo waraysiga aqoonyahanka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: