MUQDISHO: Fahad Yaasiin oo saaka kusoo wajahan iyo cabsi laga qabo in dagaal uu dhaco

HomeWararka

MUQDISHO: Fahad Yaasiin oo saaka kusoo wajahan iyo cabsi laga qabo in dagaal uu dhaco

Maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ewaxaa lagu wadaa inuu ka dhaco shirka Amniga qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiiso

Maxaabiis katirsanaa Al-shabaab oo ka baxsaday Garoowe
Siyaasiyiinta iyo Hoggaanka Dhaqanka Puntland oo ka Hadlay Taariikhda Prof. Maxamed Jaamac Salaad (dhegayso)
Shacabka magaalada Bosaso oo soo dhoweeyey xayiraaddii Sacuudiga uu ka qaaday Soomaaliya (dhegayso)

Maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ewaxaa lagu wadaa inuu ka dhaco shirka Amniga qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo lagu soo bandhigi doono xog ku saabsan waayitaanka Ikraan.

Inkastoo guddiga Amniga qaranka uu yahay mid kala dhantaalan haddana waxaa lagu waddaa in uguyaraan xogtii uu ballanqaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in maanta lasoo bandhigo lana shaaciyo waxyaabaha keenay Kiiska Ikaraan.

Taliyihii hore ee NISA ayaa maanta soo gaaraya Muqdisho, maadaama shalay laga celiyay dalka Jabuuti oo xalay hadana uu kasoo duulay magaalada Istanbuul sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

NISA ayaa horay u sheegtay in Ikraan Tahlil Faarax ay dileen Ururka Al-Shabaab ka dib markii ay afduubteen , warkaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Ehelada Ikraan iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: