Maraykanka oo war kasoo saaray khilaafka Farmaajo & Rooble

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka sii socda ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Xuseen Rooble.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay si nabad ah ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, ayna si buuxda diiradda gabagabeynta doorashada Soomaaliya, iyadoo aan dib u dhac kale jirin.

Waxaa sii kordhaya baaqyada ku aadan in labada mas’uul ee khilaafku ka dhexeeya ay wadahadal ku xaliyaan.

Wadamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah shalay warsaxaafadeed u soo saaray waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si dhaqso ah u xaliyaan khilaafkooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com