Maxaabiis katirsanaa Al-shabaab oo ka baxsaday Garoowe

Maxaabiis katirsanaa Al-shabaab oo ka baxsaday Garoowe

Waxaa xalay ka baxsaday xabsi guri ku yaala magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland toban ka mid ah maxaabiis horay loogu qabtay dagaalkii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaamada xeebaha Garacad, Suuj iyo Garmaal gaar ahaana sanadkii 2016kii.

Maxaabiistan ayaa wararku ay sheegayaan inay ku jireen guri ku yaala Garoowe oo dhaqan celin loogu sameeynayay, waxaana dhaqaalle ku bixinayay QM gaar ahaana hay’adaha qaabilsan daryeelka carruurta.

Ma jirto war kasoo baxay madaxtooyada iyo laamaha amaanka ee Puntland oo kusaabsan baxsashada maxaabiistan.

Inka badan boqol ruux oo u badan Al-shabaab ayaana ku geeriyooday dagaalkii lagu soo qabtay maxaabiistan oo dhacay sanadkii 2016kii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com