Midowga Yurub oo lacag farabadan u ansixiyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Midowga Yurub oo lacag farabadan u ansixiyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Guddiga dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo ammaanka ayaa u ansixiyay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Soomaaliya taageero dhaqaale oo aad u farabadan, si ay u xoojiyaan howlgalkooda Soomaaliya.

120 Milyan oo Yuuro ayaa Midowga Yurub ku taageeri doonaa Sannadkan 2022-ka dhaqaalaha farabadan ee uu siiyo Ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada Soomaaliya, iyaga oo taageeraya Ciidamada dowladda.

lacagtaan ayaa inta badan waxay gacan ka geysan doontaa gunnooyinka askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalku inuu si hufan u gutaan waajibaadkooda Shaqo.

Midowga Yurub ayaa ugu deeqay AMISOM/ATMIS, wadar ahaan lacag ku dhow €2.3 bilyan tan iyo 2007.

Sidoo kale dalalka Midowga Yurub waxaa ay sheegeen in ay weli diyaar u yihiin inay gacan weyn ka geystaan xoojinta howlgallada Amni ee ka socda Soomaaliya iyo taageerada howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com