Baarlamaanka Puntland oo markale diiday ansixinta mas’uuliyiintii loo Magacabay Maxkamadda Sare

HomeWararka

Baarlamaanka Puntland oo markale diiday ansixinta mas’uuliyiintii loo Magacabay Maxkamadda Sare

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada.

Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
Bola Tinubu ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada Dalka Nigeria
XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan ayaa waxaa Golaha hor-yimid Guddi gaar ah oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u xil saaray kasoo talo-bixinta Xaalada Garsoorka Puntland.

Guddiga gaarka ah waxay golaha u soo jeediyeen:-

1. Guud ahaan nidaamka Garsoorka Puntland waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo mid hufan, daacad ah, aqoon iyo kartina u leh arrimaha Garsoorka, laguna kalsoonaan karo, sidaas awgeed, waa in la helaa Garsoorayaal iyo Guddi maamul oo hufan, isla markaana buuxiyey shuruudaha sharciga ah ee doorashada Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, si waafaqsan qodobka 91-aad ee Dastuurka.

2. Si loo fuliyo qodobka 88-aad ee Dastuurka waxaa waajib ah in Xukuumaddu soo magacawdo Guddiga Culimada Diinta oo door muhiim ah ku leh magacaabista Garsoorayaasha Shareecada Islaamka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: