Midowga Musharixiinta KGS oo sheegay inay ka walaacsan yihiin Amniga Shirka Baydhabo

HomeWararka

Midowga Musharixiinta KGS oo sheegay inay ka walaacsan yihiin Amniga Shirka Baydhabo

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay walaac xoogan uga muujiyeen Amniga goobta lagu qabanayo Shirka

DHISMASHO IYO DHAAWAC AYAA KA DHASHAY JIDGOOYO LOO DHIGTAY SANAADIIKHDA CODBIXINTA DOORASHADA GOLAHA DEEGAANKA PUNTLAND.
Madaxweyne Deni oo magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.
Saaka & Dunida iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay walaac xoogan uga muujiyeen Amniga goobta lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Qoraalka oo ay u direen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayay ku sheegeen in ay horay u dalbadeen in Ciidamada jooga laga saaro xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo Koontoroolada soo gala, isla markaana sugaan Amniga Goobta Ciidanka ATMIS, balse taasi aan la fulin.

Waxaa ay sidoo kale qoraalkooda ku sheegeen in Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo kuwo kamid ah Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed tacadi loogu geystay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydjabo, taas oo ay horay uga digeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen maadaama ay ka walaacsan yihiin Amniga Goobta shirka lagu qabanaayo, sidoo kalena aan la fulin codsiyadii ay horay u jeediyeen in loo fasaxo in Amnigooda ay iyaga sugtaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: