DHISMASHO IYO DHAAWAC AYAA KA DHASHAY JIDGOOYO LOO DHIGTAY SANAADIIKHDA CODBIXINTA DOORASHADA GOLAHA DEEGAANKA PUNTLAND.

HomeWararka

DHISMASHO IYO DHAAWAC AYAA KA DHASHAY JIDGOOYO LOO DHIGTAY SANAADIIKHDA CODBIXINTA DOORASHADA GOLAHA DEEGAANKA PUNTLAND.

Inta la xaqiijiyey labo askari oo dawladda ayaa dhintay saddex qof oo kale oo qaarkood mellayshiyaan yihiinna waa dhaawacmeen kadib markii rag hubaysa

Sidee ayay u dhacday Doorashadii maanta ee Baydhabo & Dhuusamareeb, Yaase kusoo baxay?
Madaxweynayaasha Somalia & Turkiga oo ka wada hadlay Arrimaha COVID19
MUQDISHO: Booliska Gobalka Banaadir oo soo bandhigay nin doonayeey inuu dilo Askari

Inta la xaqiijiyey labo askari oo dawladda ayaa dhintay saddex qof oo kale oo qaarkood mellayshiyaan yihiinna waa dhaawacmeen kadib markii rag hubaysan jidgooyo u dhigteen gaadiidkii waday sanaatiikhdii codbixinta dooradhada golayaasha deegaanka Puntland.

Jidgooyo dhigashadaasi oo xalay xilli dambe ka dhacday meel u dhaw deegaanka laanta hawada ee duleedka Bari ee magaalada ayaa lagu maaganaa in lagu hor istaago sanaatiikhda codbixinta shan gobol oo Puntland, gobolladaasi oo ah Karkarar, Bari, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu oo ka soo baxay Garowe xalay, balse mellayshiyaada jidgooyada dhigtay una suuroobin in ay hor istaagaan, waana gudbeen gaadiidkii galbinayey qalabka codbixinta doorashada.

Mellayshiyaadka isbaarada u dhigtay qalabka codbixinta doorashada golayaasha deegaanka, dadkana ku laayey ayaa sida la xaqiijinayo waxaa soo abaabulay siyaasiyiin mucaarad ah oo horay xilal uga soo qabtay Puntland, waxaana meellayshiyaankaaasi weheliya ciidanka ka soo baxay furinta dagaalka Laascaanood, siiba deegaanka Maraaga.

Wararka intaas ku daraya in ay weli goobtoodii ku suganyihiin mellayshiyaan isbaarada dhigtay, ciidamo kale oo kuwa dawladda ahina ay horfadhiyaan, waxaase socda waanwaan odayaaleed oo lagu maagganyahay in lagu xalliyo arrinkaasi, taasoo xoogeeda ay wadaan issimada dhaqanku.

Siyaasiyiin gobolka Nugaal ka soo jeedda ayaa horay ugu gooddiyey in ay hor istaagi doonaana doorashada sababo la xiriira tabasho ay ka qabaan hannaanka dawladda u hagayso doorashada, iyagoo xusay in madaxweynuhu damacsan yahay muddo kororsi sharci darro ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: