Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Taliyeyaasha Booliska Carabta

HomeWararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Taliyeyaasha Booliska Carabta

Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraad

Warka Fiidnimo iyo Faadumo dagan, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Saraakisha Ciidamadda DFS iyo Kuwa AMISOM oo shir Xasaasi ah isugu imaan doona
Wacaal Daray ah: Daacish oo Mar Kale Qandala Weerartay (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabka kaga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.

Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 – 10 bishan Jannaayo ayaa looga hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista, waxa uuna Taliyaha Ciidanka Boolisku ka warbixiyay guulihii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Booliska Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lacag dhaqista.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan, Kaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi iyo Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: