Imran Khan oo ka digay dagaal ka dhex qaraxa Pakistan iyo Taalibaan

HomeWararka

Imran Khan oo ka digay dagaal ka dhex qaraxa Pakistan iyo Taalibaan

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa u ololeeyay xiriir iskaashi oo laba geesood ah oo lala yeesho taliska Taliban ee Afghanistan, isa

Ra’iisul Wasaare Xamze oo La Kulmay Kuxigeenka Xoghayaha Guud Ee Q.Midoobe.
Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe
Aqoonyahan Hinda Maxamed Faarax oo kamid ah qurbajoogta Puntland

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa u ololeeyay xiriir iskaashi oo laba geesood ah oo lala yeesho taliska Taliban ee Afghanistan, isaga oo ka digay xiisadaha labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada inay Pakistan ku noqon karaan “dagaal musiibo ah oo daba dheeraada.”

Khan ayaa ka hadlay dood-cilmiyeed ka dhacday caasimadda Islamabad, iyadoo mowjado cusub oo argagixisannimo ay kusoo wajahan yihiin Pakistan, gaar ahaan degmooyinka waqooyi-galbeed ee ku dhow xudduudka Afghanistan, halkaas oo ay ku dileen boqollaal ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah.

Inta badan rabshadaha waxaa lagu eedeeyaa ama sheegta xagjiriinta xiriir la leh kooxda falaagada ah ee Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Talibanka Pakistan.

Maleeshiyadan oo ay ku jiraan hoggaanka TTP ayaa gabbaad ka dhigtey dalka Afghanistan kadib markii ay kasoo carareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee Pakistan, waxaana ay halkaasi ka fuliyeen weerarro argagixiso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: