Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Galabta dib ugusoo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada , Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubnaha labada Gole ee Puntland, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Deni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu ku maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, isaga oo sidoo kale sii maray dalka Itoobiya, iyada oo Madaxtooyada Puntland aysan faah faahin ka bixin safarka uu ku tegay Imaaraadka.

Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadyada soo socda guda geli doona qabashada kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo sidii puntland uga qabsoomi laheyd doorashada Golaha Shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com