Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan sheikh iyo Sanator Fartaag?

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sanator Cabdullaahi Sheikh Ismaciil Fartaag uuna khadka taleefanka kaga qeybgalay Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulagareed ayaa diiradu lagu saaray xaalka gobolka gedo .

Sanator Fartaag iyo Gudoomiyaha Gedo Axmed buulagareed ayaa Xasan Sheikh u sheegay In xaalad adag oo bini’aadanimo ay ka jirto Gobolka gedo aysana ka socon wax mashaariic ah iyagoona Madaxweynaha u sheegay in xuquuqdii gobolka gedo lagu siyaasadeeyey magaalada Kismaanyo.

labada masuul ee uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ka codsaday inuu kala shaqeeyo jubbaland loo dhan yahay oo ka gudubta magaaalada Kismaanyo shacabka jubbalandna ay wada Lee yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay masuuliyiintan ka soo jeeda Gobolkab gedo inuu dhawaan booqan doono gobolka si uu u dhageysto tabashada shacabka iyo siyaasiyiinta Gobolka gedo ay ka qabaan Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh ayaan weli mawqaf ka qaadan xaladda Gobolka gedo iyadoo kulama dhowr ah oo ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweynaha jubbaland ay kaga wada hadleen xaalka gobolka gedo.

Gobolka gedo ayaa tan iyo 2020 ka maqan gacanta Maamulka Axmed madoobe ee kismaanyo ka arimiyo waxaana guuldaraystay dadaalo badan oo horay Axmed madoobe isku dayey inuu dib ugu soo cesho Gobolka gacantiisa taasoo keentay dagaalo ay dad ku dhinteen

Diwaanka wararka

Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com